Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo tegay Baraawe +(Ujeedka Safarkiisa)

Baraawe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee caasimadda maamuka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedada safarka madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa lagu sheegay inay tahay, sidii uu xariga uga jari lahaa garoonka diyaaradaha ee Baraawe oo dib u dhis cusub lagu sameeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo, guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...