Wasiir Sabriye oo ka hadlay Xiisada Galmudug iyo Eedeyn Culus oo uu kala Dul-dhacay Ahlu sunna

dd
Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye

Guriceel (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kaga digay Ahlu Sunna inay fashiliyaan dhismaha Maamulka Galmudug, xilli uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Ahlu Sunna  iyo dowladda Federalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan dhismaha Maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye oo ka hadlaayay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay hanaanka hadda ay wax u wadaan Ahlu Sunna inuu yahay mid keeni kara dib u socod ku yimaada deeganada Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay dariiqa iyo dhaqanka hadda ka muuqda Ahlu Sunna inuusan aheyn midkii wanaaga ahaay ee meel wax looga soo wada bilaabay, balse tani ay tahay mid gadaal u socod ah.

“Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u muuqda inuu quus kaga taagan yahay hab dhaqanka cusub ee Ahlu Sunna ay la soo baxday, taasi oo ah inay doonayaan xilal dheeraad ah in laga siiyo dhismaha maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn, wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamuud Sabriye ayaa sheegay inuu jeclaan lahaay Ahlu Sunna inay ka gudbaan xuduuda, taasi oo muujinaysa sida Isfahan waaga Ahlu Sunna & Dowladda uu gaarsiisan yahay meel Qatar ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com