Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee ku saabsanaa Muhaajiriinta Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump / Photo: Reuters

Washington (Halqaran.com) – Garsoore ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka waxa uu hor istaagay hindisa uu so jeediyay madaxwayne Trump oo ahaa in muhaajiriinta Mareykanka soo galaya ay cadeeyaan 30 maalmood gudahood ay haystaan caymis caafimaad ama ay iska bixin karaan daryeelka caafimaadka.

Amarkan horey uga so baxay maamulka Trump ayaan imika dhaqangali doonin Axadda sidii qorshuhu ahaa.

Garsoore Michael Simon, oo ah garsooraha maxkamada degmada Oregon, ayaa riday guddoonkan sida kumeel gaar ah u hakinaya hindisaha madaxwaynaha.

7 qof oo muwaainiin Mareykan ah iyo hay’ad aa dowli ahayn ayaa kiiska ay arrintan kaga soo horjeedaa geeyay maxkamad.

Waxay ku doodeen in hindisaha madaxwaynaha ee ah in soo galootiga ay haystaan ceymis caafimaad ay hor istaagayso boqolaal muhaajiriin ah oo Mareykanka ku soo gali lahaa si sharci ah.

Kiiskooda ayaa waxay ku sheegeen in tirada qoysaska dal ku galka ku soo gaara Mareykanka ay hoos u dhaceyso amaba ay ay meesha ka baxayso haddii amarkan madaxwaynaha la dhaqangaliyo.

Garsoore Simon ayaa hindisahan joojiyay muddo 28 maalmood ah,balse waxaa sii socon doona kiiska arrintan ku saabsan.

Amarkan ayaa waxaa horraantii bishii October saxiixay madaxwayne Donald Trump waxa ayna saamaynaysay dadka dalalka kale ka imanaya oo dal-kugalka ku imanaya Mareykankaoo iyagu laga doonayo inay haystaan ceymis caafimaad.

Arrintani ma saamaynayso dadkii hore u degganaa Mareykanka kuwa magangalya-doonka iyo waliba kuwa qaxootiga ah.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...