Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Dhuusamareeb ee Ahlu sunna oo si weyn u taageeray DF Somaliya

Guddoomiyaha Dhuusamareeb ee Ahlu Sunna, Macalin Nuur Cilimi Cabdulle

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ugu Magacaabey Ahlu sunna Macalin Nuur Cilimi Cabdulle, ayaa Axaddii maanta sheegay in wax dhibaato ah aysan xilligaan ka jirin degmada, isla markaana amniga guud ee Magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Macalin Nuur Cilimi Cabdulle ayaa waxa uu sheegay in Ammaanka guud ee degmada Dhuusamareeb ay gacanta ku haayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena xilligaan amniga uu yahay mid leysku haleen karo.

Shir Jaraa’id uu maanta ku qabtay Dhuusamareeb ayuu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu Maamulka magaalada Dhuusamareeb uu diyaar u yahay in ay la Shaqeeyaan dowladda federaalka kalana qeyb qaataan howlaha doorashada.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ugu Magacaabey Ahlu sunna ayaa waxa uu sheegay in shacabka Magaalada Dhuusamareeb iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in Dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Halka hoose ka dhageyso codka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...