Tuesday, June 23, 2026
25.2 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: CCW oo Digniintii ugu cusleyd ka soo saaray dagaallada Galmudug + Shir Jaraa’id

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo Sabtidii maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay dagaal ka qarxa deegaanada Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay maamusho Ahlu Sunna Waljamaaca.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa DF Soomaaliya ku eedeeyay in ay Ahlu Sunna uga baxday balan ay la gashay oo ahayd in la siiyo 35 xildhibaan sida uu habeen ka hor Dhuusamareeb ka qiray wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sebriye.

“Waxaa yaan darro ah in iyadoo masiibo qaran ay ka taagantahay magaalada Beledweyne ay dowladdu intii ay u gurman lahayd dadka dhibaateysan ay awoodeedii iskugu gaysay in ay xoog ku maquuniso Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo dhan‘‘. ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...