Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

Ahlusunna Waljimaaca oo Isaga Baxday Degmada Guriceel Iyo Xiisad Halkaa ka taagan

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Dowalada Soomaaliya Gaar ahaan Guutada 21 aad ayaa saakay waa barigii hore waxa ay la wareegeen Gacan ku heynta Degamada Guriceel oo ka tirsan Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna waljimaaca , Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamadii ahulusunna ay ku Suganaa Degmada Guriceel ay isaga baxeen isla markaana xarumihii Maamulka ay la wareegeen Ciidamada malitariga soomaaliya ee ku sugan Degmada Guriceel.

Sidoo kale Magaalada Guriceel ee ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa waxaa ku sugan, Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, kaasi oo xaley kulumo kala duwan gudaha Magaalda kula yeesahy qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku dhaqan Degmada.

Xaalada Guriceel ayaa saaka ah mid dagan, waxaana dadka Deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadii Ahlusanna Waljimaaca ay isaga baxay magaalada ay ku sagan yihiin, Banaanka Hore magaalada.

Hayeeshee Dadka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan, oo ah In uu ka dhaco dagaal xoogan oo dhiig badan oo ku daato maadaama ay Ciidamada ahlusanna ay wali joogaan Duleedka magaalda Guriceel ee Bartamha Soomaliya.

Sikastaba ha noqotee lawaregidda Ciidamda Dowlada Faderaalka Soomaaaliya, ayaa ku soo aadeysa xilli shaley ay la wareegeen Degmada Matabaan ee ka tirsan Gobalka Hiiraan, oo markii hore ku sugnaayeen Ciidamada taabacsan Hoggaanka Ahlusunna Waljimaaca.

Xafiiska Wararka (Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...