Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

UPDATE: Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Nabadoon ka mid ah Odayaasha degmadaasi.

Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle (Qaloosh) ayaa lagu dilay bartamaha Suuq Bacaad, xilli uu halkaasi maraayay.

Kooxda dilka gaysatay oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa Nabadoonka waxa ay la dhaceen dhawr xabo oo rasaas ah, kadibna durba goobta isaga cararay.

Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ayaa ka mid ahaay Odayaasha dhaqanka Degmada Yaaqshiid, waxaana la sheegay in maalmahan uu ku maqnaa Magaalada Jowhar.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in kooxo hubeysan ay beegsadaan Nabadoonka oo Degmada Yaaqshiid si weyn looga yaqiinay.

Wax war ah kama soo bixin maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dilka nabaddoonkaasi, iyadoona jirin cid loo qabtay dilkiisa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...