Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

Farmaajo oo si cajiib leh uga hadlay abaalmarintii lagu guddoonsiiyay dalka Mareykanka

New York (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Abaalmarin lagu guddoonsiiyay Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac qasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicirbarar joogto ah. Waxa intaasi dheer, khayraadka oo yar oo ay weheliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobbo qayb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen.

Xafiiska Halqaran.com, Columbus-Ohio
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...