Saturday, January 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

WAR CUSUB: KENYA oo go‘aansatay in qaadkii ugu badnaa ay u soo dhoofiso Soomaaliya! (Ogow Ujeedka)!

Nairobi (Halqaran.com) – Hay’adda Cuntada iyo Beeraha dalka Kenya ee AFA ayaa waxaa ay sheegtay in ay dooneyso in la kordhiyo suuqyada Qaadka dalka Kenya, islamarkaana la gaarsiiyo meelo hor leh.

Guddi ka socda Hay’addaas ayaa maanta oo Talaado ah la kulmi doona Guddiga Beeraleyda Qaadka dhoofsata, waxaana ay kala hadlayaan sidii looga caawin lahaa suuqyo cusub iyo xoojinta kuwa hadda jira.

90% Qaadka ka soo baxa Kenya waxaa loo soo dhoofiyaa Soomaaliya waxaana maalintii lagu sheegay 50Tan oo Jaad ah.

Xog ay baahisay hay’adda xisaabaadka guud ee Kenya ayaa ku sheegtay in Qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo dowladda Kenya ka heshay lacag dhan $150 Milyan oo doollarka Mareykanka ah sanadkii la soo dhaafay.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Wargeyska Business Daily lagu magacaabo ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay in suuqyada kale ee ay Kenya heysto qaataan 4tan oo kali ah Todobaadkii oo dhan halka Soomaaliya ay maalinkiiba qaadato 50 Tan oo Qaad ah.

Ugu dambeyn, wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Peter Munya, ayaa sheegay in wasaaraddiisu qorshaha qaranka ku dartay miisaaniyadda dowladda ka hesho qaadka dhoofkiisana kala shaqeyneyso ganacsatada.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...