Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

JUBBALAND: DF Somaliya waxay nagu haysaa hanjabaad, cunsurnimo & caburin bulsho

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Photo: Halqaran.com

Kismaayo (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday, in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku hayso hanjabaad iyo falal cunsurimo ah, arrimahaasina ay la kulmayaan Shaqaalaha rayidka Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo looga hadlay dhacdadii xayiraadii la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maamulka wuxuu ku sheegay inay tahay arrin aad looga xumaado falkaasi.

Masuuliyiinta Jubbaland waxa ay sheegeen muwaadiniinta inay xaq u leeyihiin isu socodkooda oo madax banaan sida uu qabo Dastuurka Federalka ee dalka, balse aanan loo baahnayn caburinta Bulshada.

Ugu dambeyn, dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federalka Soomaaliya ay kaga digayso ku tumashada xuquuqda aadanaha.

Halkan hoose ka akhrsi war-saxaafadeedka Jubbaland:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...