Saturday, July 11, 2026
25.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland ‘Muuse Biixii’ oo kormeereay mashaariicda dhulka lagu beerayo

Wajaale (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Jimcihii maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sidaa ay gacanta ku hayaan.

Muuse Biixi oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha,  maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale oo si fiican u midho dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay.

Xubno ka mid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



”Shacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo, intii dedaalkeenna ah in dadka la baro wax soo saarka, aad iyo aadna waynnu ugu dedaalli doonnaa, banka Wajaalena waxan filayaa haddii Ilaahay roobkaa inoogu wado inuu Somaliland-ba cunto ugu filnaan doono.” Ayuu yir Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyay.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...