Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Xildhibaano u doodayay Maqaamka Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahne duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa Jimcihii maanta Xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay waday Ololaha Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Xildhibaanada uu la kulmay waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Cosoble Cali oo muddooyinkii u dambeeyay hoggaaminayay Mashruuca Maqaamka Gobolka Banaadir ee ku aadan sidii dadka Banaadir dega ay u soo dooran lahaayeen maamul ku yimaada rabitaankooda.

Duqa Muqdisho Mr. Filish ayaa kala hadlay xildhibaanada dadaallada ay waddaan sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeeda in Maqaam ay yeelato Caasimadda Muqdisho, waxaana xusid mudan in guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabid xilka looga qaaday raadinta Maqaamka Caasimadda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...