Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Shirka Hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Nairobi (HalQaran.com) – Magaalada Nairobi ee dalka kenya, waxaa Isniinta maanta ah ka furmay shirka hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo Afar maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.

Sidoo kale, shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirradda lagu saarayaa horumarinta soo saarka Dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo Dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...