
Muqdisho (HalQaran.com) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aanno cusub, kuwaas oo lagu faray dhammaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sida Mooto Bajaajta, gawaarida iyo Mootooyinka laba lugaaleyda ah oo ay bulshada adeegsato.
Go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa ah in dhammaan gaadiidkaasi aysan qaadi karin askari hubeysan nuuc kasta uu yahay iyo hay’ad kacsta oo uu ka tirsan yahay, ciddii ka dhaga adeegtana lala tiigsan doono sharciga.
Gaadiidka ay wataan Mas’uuliyiin, ayaa mar kale maamulku ku war galiyay in ay u hoggaansamaan awaamirta lagu sugayo ammaanka, isla markaana ay oggolaadaan in baraha ciidamadu joogaan lagu hubiyo si ammaanka loo xaqiijiyo.
Ugu dambeyn, awaamiirta cusub ee ka soo baxay mamulka gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya, xilli habeen hore argagixisada Al-Shabaab weerareen goob dad shacab ah ku cawaynayeen oo ku tiilay xeebta Liido.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Awaamiirka maamulka Gobolka Banaadir:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





