Muqdisho (HalQaran.com) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in xalay fidkii 09-ka Juun 2023 abaare 07:55 PM 7 katirsan Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Hoteel Pearl oo ku yaalla Degmada Cabdicasis.
War-saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Hoteelka ay Al-Shabaab weerareen uu ahaa goob ay Dadka Shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.
‘‘Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka Al-Shabaab, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan weerarkaas abaare 02:00 AM‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale taliska Booliska ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab ay ku dhinteen 6 muwaadin oo Shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 10 kale, Intii ay badbaadintu socotayna ay ku dhinteeny 3 ka mid ah Cidamada geesiyaasha ee Amniga oo u dagaalamayay badbaadinta
Shacabka Soomaaliyeed.
“Alle mahadi, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay Goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Caruur yar yar, Dumar iyo dad Waayeel ah‘‘ ayaa lagu xiri war-saxaafadeedka taliska booliska Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





