Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo dhoweeyay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wafdigaasi uu hoggaaminaayey guddoomiyaha, waxaa  garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale, wafdigaasi waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, waxa ay dalka Ciraaq kaga qeybgalayaan meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta.

Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa Ciraaq uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...