Thursday, June 4, 2026
26.4 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo ciidamo farabadan geysay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo farbadan waxaa ay ku daabushay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo ku biiri Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga oo ku sugan halkaasi.

Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa Galkacyo ay ku tageen safar dhinac dhulka ah, waxaana la shaaciyay in ay qayb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Mudug.

Ciidanka gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa u dhammeystiran Saanaddooda dagaal, waxaana halkaasi ay kula biireen Ciidankii horay ugu sugnaa Gaalkacyo.

Si kastaba,  deegaanada Maamulka Galmduug ayaa waxaa dhawaanahaan ka socday dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda iyo kuwa degaanka oo isku dhinac ah, waxaana qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug ka dhacay dagaallo Culus oo u dhexeeya labada dhinac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...