Thursday, June 4, 2026
26.4 C
Mogadishu

Garoomada Kubadda Cagta ee Caasimadda Muqdisho oo horumarin lagu sameynayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda ayaa  kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Barre iyo masuuliyiinta wasaaradda ee la socday oo ay weheliyaan Injineero indho-indhayn ku samaynaya sida loo horumarin karo garoomada ayaa booqday Muqdisho Stadium,  Injineer Yiriisow, iyo Wiish.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimayn guud iyo sidii loo dayactiri lahaa garoomada iyadoo qorshaha horumarinta xukuumadda ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ugu jiraan horumarinta garoomada dalka.

Ugu dambeyn, bilaha hore ee sanadkan ayaa la filayaa in la qabto tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada, iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda kolayga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...