Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidanka Booliska Gobolka Bari oo Kashanaya Bulshada iyo Qeybaha Kala Duwan ee Cidamada ayaa Gacanta ku so Dhiigey Gacan ku dhiigle Faarax Jibriil Xuseen oo Dil u geestey Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxmaan Tariikhda Markay ahayd 11 /11/2022 .
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sarre Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa Bulshada la wadaagay In gacan ku dhiiglaha Uu Ku jiro Gacanta Ciidamada lana horkeeni doono Sharciga .
Sidoo kale, taliyaha ayaa Bulshada ugu baaqay cid kasta oo isku dayda Khalkhal amni darro iney Sameyso iney ku danbeyn doonto Gacanta amniga Sharciga La horkeeni doono .
Taliye Cabdiqaadir ayaa u mahadceliyey Bulshada oo qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





