Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Guddoonka sare ee maamulka Gobolka Banaadir oo kulmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Sabtida maanta ah ka qabsoomay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargalin howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Duqa Muqdisho Madaale ayaa warbixina ku saabsan howlihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa la filaayo in la hirgaliyo ka dhageestay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolkaan Banaadir kula dardaarmay inay dardar-geliyaan howlaha muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan arrimaha nadaafada caasimadda iyo  amniga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...