Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha xoogga dalka oo tagay Degmada Aadan Yabaal

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha xoogga dalka ayaa booqday degmada Aadan yabaal oo ka mid ah degmooyinka ugu muhiimsan ee laga xorreeyay Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka iyo Taliyaha oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa socod ku soo maray goobaha ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa dib u xorreynta deegaanka, isagoo uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen dagaalka Argagixisada.

Wasiirka ayaa sheegay inaan laga hari doonin firxadka kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab oo halkaan sanado badan ku dhibaateynayey shacabka deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in jab xooggan Khawaarijta lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda dalka, isla markaana aan laga hari doonin meel kastoo ay gabaad ka dhigtaana looga dabagali doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee uu iclmaaiyay Madaxweeynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...