Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

NATO ‘‘Waxaan ka baqaynaa dagaalka Ukraine inuu faraha ka sii baxo‘‘

Ukraine (Halqaran.com) – Xoghayaha guud ee ururka NATO Jens Stoltenberg, ayaa walaac ka muujiyay in dagaalka Ukraine uu faraha ka baxo oo uu noqdo dagaal u dhaxeeya Ruushka iyo xulafada, sidaana uu ku noqda mid dhibaato intaa ka badan geysta.

‘‘Dagaalka Ukraine waxuu isu bedeli karaa dagaal weyn oo u dhexeeya NATO iyo Ruushka, waxaana laga yabaa inuu dhan waliba sameeyo , taana waxaa caddeeyn ugu filan waxa maalin kasta dhacaya.” Ayuu yiri Jens Stoltenberg.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,  ayaa dhawaan sheegay in rabitaanka reer galbeedka ee ah in ay sii wadaan dagaalada  Masraxa  ay mas’uul ka tahay khatarta sii kordheysa ee keeni karto in wax kasta ay suurgal noqdaan.

”Saameeynta ugu ballaaran ayaa ah midda ay wadaan reer Galbeedka, kuwaasi oo dagaalka Ukraine isugu geeyay wax kasta oo ay awoodeen sida siyaasaddooda, dhaqaale, mid milatari iyo hub”. Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Moscow, ayaa marar badan ku eedeeyo xulafada NATO in ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan colaadda taagan, iyaga oo siinaya Ukraine hub, dhaqaale kala duwan, tababarro ciidan iyo u gacan galinta xogta milatari si ay u weeriiqaan awoodda ciidamada Ruushka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...