Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Dowladda Turkiga oo soo xiray Haweeney lagu eedeeyay Qaraxii Istanbul

Istanbul (Halqaran.com) – Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay Haweeney lagu eedeeyay inay ka dambeeysay qaraxii ay dadka ku dhinteen ee Axaddii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

War ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in Haweeneyda Boorso qarax uu ku jiro ay dhigtay waddo mashquul badan oo ku taalla Istanbul, hayeeshee ugu dambeyn baaritaan la sameeyay lagu soo qabtay.

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in Haweeneydan ay ka soo jeeda dalka Suuriya, waxaana dowladda Turkiga ay qaraxaan dusha ka saartay Kooxda Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...