Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Bakool

Bakool (Halqaran.com) – Waxaa deegaanka Aato ee Gobolka Bakool ka bilawday kulamo looga tashanayo howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka deegaanka Aato ayaa ka arinsaday sidii deegaannada gobolka Bakool looga billaabi lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyada oo dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen deegaanka Aato ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha deegaanka Aato Dubad Xasan Cali oo ka warbixiyay kulamada ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dadka degaanka  iyo kuwa dowlad degaanka ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in la diyaariyay ciidamo deegaanka ah oo hubka qaatay, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona xorreynta degaannada ku dhow dhow degaanka Aato iyo guud ahaan gobolka Bakool, sidoo kalena dhawaan degaanka ay soo gaari doonaan Ciidamo horleh.

Ugu dambeyn, muddo hadda laga joogo Saddex bilood ayaa waxaa deegaanka Aato ee Gobolka Bakool ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed , iyaga oo Al-Shabaab degaankaas ka dhigtay marin ay ka weeraraan dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...