Kismaayo (Halqaran.com) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa Halqaran.com u xaqiijiyey, in Beesha Caalamka ay dhexdhexaadin rasmi ah ay ka dhex-bilowday madaxweynaha Jubbaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Xogta aynu haleyno ayaa intaasi raacinaya, in saaxiibada caalamka ay khadka telefoonka kula hadleen madaxweyne Axmed Madoobe, kahor inta aysan la hadlin Farmaajo oo wada xaajoodka aqbalay.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in Axmed Madoobe uu ogolaadey in uu telefoonka kula hadlo Farmaajo, taasoo la filayo in ay dhacdo saacadaha soo aadan, ayna sheekeystaan.
Xogta ayaa intaasi raacineysa in ay kawada hadli doonan qaabka ugu fudud ee loosoo afjari karo, ismaadhaafka ka dhashay doorashadda iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloolsan dhinacyadda.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DHAGEYSO: RW Xasan Cali Kheyre oo ka dhawaajiyay Sirta iyo Ujeedka uu maanta u tagay magaalada Baydhabo.
- DHAGEYSO: Madaxweyne Koonfur Galbeed oo hor-dhigay RW Kheyre Saddex arrimood uu ka doonayo in loo fulayo. (Maxay yihiin?)
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Wafdigii Beesha Garxajis oo Hargeysa ku soo noqday, War cusubna ka sheegay arrinta Korneyl Caarre iyo dagaalkii Sanaag.
- XASAASI + DHAGEYSO: Somaliland oo u hanjabtay Puntland, jawaab adagna ka bixisay eedeyntii loo jeedayay (Maxaa soo kordhay?)
- XOG CUSUB: Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay dowladiisa ku fashilantay kiiska dacwadda badda!
Beesha Caalamka oo dooneysa in dhinacyadda ay is afgarad gaaraan ayaa waxay isha ku haysaa xal loo helo arrimaha Amniga qaranka, Maaliyadda, qabyo tirka Dastuurka iyo Nooca doorashada sanadka 2020-ka.
Ugu dambeyn, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay horey ugu adkeysatay in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashada Axmed Madoobe, mowqifkaasi oo iminka u muuqda mid dabcay.
Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com






