XASAASI + DHAGEYSO: Somaliland oo u hanjabtay Puntland, jawaab adagna ka bixisay eedeyntii loo jeedayay (Maxaa soo kordhay?)

Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisey eedeyn uga timid dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan in uu taageero siiyo maleeshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab, ayna duulaan ku yihiin degaannada dowlad goboleedkaasi.

Abaanduulaha 1-aad ee ciidamada Somaliland, Cabdirisaaq Saciid Bulaale, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu ku tilmaamay eedeyntaasi mid aanan waxbo ka jirin.

Dhinaca kale, isaga oo fal-celinaya hadal kasoo yeeray taliye reer Puntland ah, kaasoo ka shan-qariyey in ay dagaal ku qaadayaan Somaliland ayaa dhinaca kale wuxuu Bulaale ku sifeeyay wax aanan loo baaheyn.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Abaanduule Cabdirisaaq Saciid Bulaale, wuxuu wacad ku maray in ay Puntland ka qoomameyn doonto hadii mas’uuliyiinteeda ay deegaano kamid ah Somaliland cagahooda soo geliyaan, sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastabaa, Mr. Bulaale ayaa carabka ku adkeeyay in degmada Baran ay kamid tahay dhulka Somaliland, isagoona meesha ka saarey hadal kasoo yeeray sarkaalka ka tirsan ciidamada Somaliland.

Halkan Hoos ka dhageyso Codka taliyaha:

Xafiika Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com