Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

Hay’adaha Sirdoonka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Addis Ababa (Halqaran.com) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa Jimcihii maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...