Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii Maanta soo saartay Digniin cusub oo ku socota shacabka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, taasi oo la xiriirta weeraro ka dhaca magaalada oo ay dowladda sheegtay inay qorsheysanayaan Ururka Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan guud, inta ay dalka ka socdaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha argagixisada Al-Shabaab.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa milkiilayaasha hoteellada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsi, kuna yaalla magaalada fartay inay iyaguna muujiyaan taxadar dheeraad ah, sidoo kalane dowladda ayaa shacabka uga digtay inay tagaan meelaha khatarta uga imaan karto.
Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu xusay, in shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka dowladda Federaalka, si looga hortego falalka amni darro ee dhaca.
Hadda hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





