Bakool (Halqaran.com) – Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha ciidamada ayaa hadal dhiiri-gelin iyo dardaaran isugu jira u jeediyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwa daraawiishta iyo shacab is abaabulay oo isku diyaarinaya dagaalka ka dhanka Argagixisada Al-Shabaab.
Ciidamadan ayaa ujeedkooda wuxuu yahay in ay argagixisada Ka xoreeyaan deegaannada xudduuda ee gobolka Bakool.
Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool, ayaa xoojiyay in ciidanka looga fadhiyo in ay dardar geliyaan dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al-Shabaab ee ka billaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolkaas.
“Waxaan rabnaa in kooxahan argagixisada Al-Shabaab laga dulqaado shacabka,” ayuu yiri guddoomiye Tool.
Ma jirto illaa iyo hadda guulo wax ku ool ah laga gaaray howlgallada ka socda gobolada dalka ee lagu diidan yahay dhagar-qabayaasha Al-shabaab.
Waxaana maalinba maalinta ka dambeysay jiidaha hore tegaya oo dagaalka ku biiraya shacab Soomaaliyeed oo doonaya in ay ka mira dhaliyaan howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





