Beledweyne (Halqaran.com) – Waxaa weli dagaal xooggan uu ku dhexmarayaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dib u xorreynta Gobolka Hiiraan ee loo yaqaano macawiisleyda iyo Ururka Al-Shabaab deegaannada Dhoqor iyo Baarrey oo qiyaas 40Km u jiro Beledweyn dhanka Halgan iyo Buulla-Burte,
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xorreynta Gobolka Hiiraan oo ka warhelay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo gudbay dhinaca wabiga, waxaana dadka deegaannada lagu dagaallamayo ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u xooggan.
Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in guulo ay ka gaareen weerarka ay ku qaadeen Goobaha ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ilaa ay ka saarayaan gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo weli ku sugan furimaha dagaalka ayaa ciidanka Dib-u-xorreynta ugu Hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab la galeen oo ka dhacay deegaannada Ceel-hareeri iyo deegaanno kale.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





