Muqdisho (Halqaran.com) – Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax ismiidaan ah oo caawa ka dhacay Xerada warshadii hore ee Nacnaca oo ay leeyihiin ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka xoogga dalka.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu geystay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kadibna isku qarxiyay iridka laga galo xeradaas.
Cutubyo ka mid ah ciidanka qaranka ayaa halkaasi lagu tababaraa waxayna u badan yihiin dhalinyaro dhawaan qoratay ciidanka xoogga.
Xubno ka mid ah laamaha amniga ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay irida laga galo xerada oo ay joogeen dhalinyaro rabtay in ay qortaan ciidanka, halka warar kale oo aan ka helnay laamaha amniga ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay gudaha.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa lagu soo warramayaa in la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Muqdisho.
Weli wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi caawa ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka Xoogga dalka ee ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ururka Al-Shabaaab ayaa durba sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen inay ku dileen ciidamo katirsan kuwa Danab oo uu Maraykanku tababaray.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarnnews@gmail.com





