Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xooggan, kaasoo aanay dadku waayadaan maqal noociisa.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe, waana qarax laga maqlay gees ka gees xaafadaha magaalada, iyada oo dhismooyinka ka daateen muraayadaha.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay dabley hubeysan gudaha u gashay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, oo halkaasi ku taala.

Daqiiqado ka dib ayaa waxaa halkaasi laga maqlay qarax labaad, sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka halkaasi ka ag dhow.

Waxaa jira khasaare naf iyo maalba leh oo qaraxyada iyo weerarkaba ka dhashay, balse aan la sheegin inta ay le’egyihiin, sababo ku aaddan weerarka oo weli socda.

Ugu dambeyn, marka aad eegto baaxadda qaraxan iyo goobta uu ka dhacay ayaa waxa uu dadka reer Muqdisho soo xusuusiyay qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe, isla-markaana ay boqolaalka qof ku dhinteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...