Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka Maaliyadda ee DFS oo Khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada maaliyadda ee dalalka Carabta

Algeria (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Jimcihii maanta khudbad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dadalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Shirka Waxaa goobjoog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Macalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...