Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51aad ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Puntland.

Mr Deni ayaa marka hore sheegay in daadadkii ku soo rogmaday Magaalada Qardho  ay guddi u saareen soo qiimaya waxyeeladu intay leeg tahay, sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro daadadka soo noq noqday.

Geesta kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlayay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay la socoto howlgallada dalka ka socda ee looga saarayo Al-Shabaab, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Wuxuu kaloo xusay, Deni in Puntland degmooyin badan oo ka tirsan laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasina ay tahay qorshaha Xukuumaddiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...