Hiiraan (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo ay wehlinayeen kuwa Jabuuti ee ATMIS ayaa duqeymo culus la beegsaday Deegaanno u dhow Deegaanka Jiciboow oo qiyaastii 25km dinaca waqooyi kaga aadan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Xubno tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalkan ciidanka DANAB iyo kuwa Jabuuti ay ku qaadeen deegaannada u dhow degaanka jicibooy ayaa waxaa hoggaaminayay taliye ku-xigeenka Ciidanka DANAB & Saraakiil kale.
Sidoo kale, waxaana goobaha la duqeeyay kamid ah deegaanka Beero-yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas, waxaana deegaannada la duqeeyay ku yaalla dhul buuraley ah oo la sheegay inay isku aruursadeen Al-Shabaab.
Mid ka mid ah mas’uuliyiin maamulka degmada buulo-Burde ayaa sheegay in duqeymahaan looga gol leeyahay sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, loogana saari lahaa dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.
Si kastaba ha’ahaatee, bartamihii todobaadkii tegay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda oo garab siinaya dadka deegaanka ay kula dagaalameen Ururka Al-Shabaab deegaannada Jiciboow Beero-yabaal, balse dagaaladaas ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





