Saturday, March 14, 2026
26.6 C
Mogadishu

Qaramada Midoobey ‘‘Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag‘‘

Geneva (Halqaran.com) – Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF Talaadadii shalay.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid ka sii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag.

Waxaa xilligaan ka jira abaaro daran, meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya, taas oo saameysay dad iyo duunyo, boqolaal Ruuxna ay ka barakaceen.

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ayaa ka gaabiyay waxka qabashada abaarta, iyaga oo kaga mashquulay arrimo kale, waxaana xilligaan isa soo taraya digniinaha ka imaanata Hay’adaha Caalamiga ah ee la xiriirta xaalad macluul ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...