Thursday, June 25, 2026
26.3 C
Mogadishu

RW Xamze oo u ambabaxay dalka Itoobiya iyo Wararkii ugu dambeeyay

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistii safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, halka Wasiirro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale oo faah-faahi ka bixiyay safarka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda ay dalka Itoobiya kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kulanka looga hadli doono sidii looga hortagi lahaa qataraha ku soo wajahan Qaarada Afrika, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeedin doona shirka uu kaga hadli doono dhibaatooyinka xaga amniga ee kajira Somaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale ayaa sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta iyo madxda kale ee ka qeyb galeysa shirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...