Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

In ka badan 90 oo Itoobiyaan ah oo looga shakisan yahay ‘tahriibinta dadka’ oo la xiray

Itoobiya (Halqaran.com) – Maamulka gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay qabteen 97 qof oo Itoobiyaan ah oo looga shakisan yahay in ay dadka tahriibiyaan.

War-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska isgaarsiinta degmada Bati ee gobolka Axmaarada ayaa lagu sheegay in 52 rag ah iyo 45 dumar ah ay dhawaan ciidamada amaanku qabteen kuwaas oo la sheegay in loo tahriibinayey meel aan la shaacin.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka oo ay ku jiraan caruur ay da’doodu u dhaxeyso 13 ilaa 15 jir la rumeysan yahay in Sacuudiga ay u socdeen.

Sidoo kale waxay sheegtay in booliisku ay qorsheynayaan in ay sii daayaan 97-da shaqsi, kadib markii la siiyo tababaro ku saabsan khatarta tahriibka.

Ka ganacsiga dadka ayaa soo mara saddex waddo oo kala duwan, iyadoo tan waqooyi ay sii marto Suudaan, Liibiya iyo badda Mediterranean-ka si ay u gaarto dhul weynaha Yurub. Waddada labaad waxay maraysaa dhinaca bari ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Badda Cas, si ay u gaadho Sucuudiga. Midka saddexaad waxa uu koonfurta sii maraa Kenya, Tanzania iyo Mozambique si uu u gaadho Koonfur Afrika.

Si kastaba ha’ahaatee, sanadihii ugu dambeeyay Itoobiya ayaa xoojisay sharciyada daryeelka caruurta iyo sharciga ka hortaga tahriibka si loo ilaaliyo kumanaanka qof ee aan qaan-gaarin iyo dhalinyarada kuwaas oo lagu qiyaaso in sanad walba loo tahriibiyo meelo kala duwan oo shisheeye ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...