Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

DAAWO: Saameynta ay Warbaahinta ku yeelan karto Amarka culus ee ka soo baxay DF Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, Ustaad Faarax Cumar Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka horyimid amarka ka soo baxay dowladda ee lagu joojiyey wararka la xiriira Ururka Al-Shabaab.

Mr Faarax Cumar ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan aysan ku shaqeyn karin warbaahinta madaxa bannaan, maadaama uu yahay mid hal dhinac ah, isaga oo sheegay in uu saameyn ku yeelanayo guud ahaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baahinta wararka.

“Dabcan saameyn waa ku yeelanayaa wuxuuna ugu yeelanayaa Wariyeyaasha maalin walba ayey howlgalaan, maalin walba ayey dadka war siiyaan marka waa ayadoo war ha bixina la yiraahdo ee guryihiina jooga,” ayuu yiri Ustaad Faarax Cumar Nuur.

Halka hoose ka daawo Wareysi Xoghayaha guud ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...