Tuesday, June 23, 2026
25.9 C
Mogadishu

Toogasho maanta lagu fuliyay Askari horey u dilay Taliyihiisa (Ogow Sababta)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Jimcihii maanta Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo la sheegay inuu horay si bareer ah u dilay Taliyahii Ururka 59-aad ee gaadiidka xoogga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed oo loo yaqiinay Huradaaye.

Xukunka Toogashada ee lagu fuliyay Cabdinaasir Daa’uud ayaa ka dhacay fagaaraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhacday xubno ka tirsan Maxkamada ciidamada, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga iyo qaar ka mid ah ehellada labada dhinac.

Maalmo kooban ayaa ka soo wareegatay markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ku riday Cabdinaasir Daa’uud oo qirtay inuu 29-kii September 2022 uu si bareer ah u dilay Taliyihiisii Ururka 59-aad ee gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye, sidoo kalena uu dhaawacay laba qof oo shacab ahaa.

Xidigle Cabdinaasir Daa’uud oo Jimcihii maanta toogashada lagu fuliyay ayaa horay u sheegay in sababta taliyahiisii uu u dilay ay aheyd inuu ka waayay xaquudii Mushaarkiisa, saakana ugu dambeyn isagana dil toogasho ah lagu fuliyay.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu ka tirsanaa, balse isaga uu ku doodayay in xaquuqdiisii mushaarka uu waayay.

Ugu dambeyn, dood dheer kadib, Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan xukun dil toogasho ah ku riday, Jimcihii maanta lagu fuliyay, waxaana lagu dhinac aasay taliyihiisa uu horey u dilay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...