Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Uganda: Wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni oo xilkii laga xayuubiyay

Kampala (Halqaran.com) – Labo-xiddigle Janaraal, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa laga qaaday xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha ciidamada dhulka.

Muhoozi ayaa waxaa loo dallacsiiyay darajada Janaraal buuxa, oo ah heerka ugu sarreeya ee laga gaaro militeriga dalka Uganda.

Sidoo kale, waxa uu sii ahaan doonaa la-taliyaha madaxweynaha ee howlgallada khaaska ah.

Janaraal Kainerugaba waxa uu horay u ahaa taloyaha ciidamada khaaska ah ee u xil saran ilaalinta madaxweyne Yoweri Museveni.

Sarkaalkan oo hoggaaminayay ciidamada Uganda ee howlgalka u tagay Soomaaliya, haddana abaanduule u ahaa guutada la dagaallanka kooxda fallaadaga ah ee ADF ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, ayaa markii dambe waxa uu noqday taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda.

Lama oga in xil ka qaadista iyo dallacsiinta hadda lagu sameeyay ay xiriir la leeyihiin hadalladiisii muranka dheliyay ee uu Twitterka kusoo qorayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay.

Ugu dambeyn, waxay aheyd maalintii isniintii, Janaraal Kainerugaba waxa uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in “isaga iyo ciidankiisa ay labo isbuuc ku qaadan karto in ay la wareegaan caasimadda waddanka deriska la ah ee Nairobi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...