Canada (Halqaran.com) – Weerar toorey loo adeegsaday ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay dalka Canada, kaasi oo ay ku dhinteen illaa iyo 10 ruux, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AP.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadigoobayaan laba qof oo loo tuhunsan yahay inay fuliyeen weeraradan.
Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday halka qaarkalena loo weeraray si aan kala sooc lahayn.
Wararka ayaa sheegaya, inay jiraan 13 goobood oo faldembiyeedkani ka dhacay oo laga helay dadka dhintay ama kuwa dhaawacmay. Eedeysanayaasha ayay ku boorisay inay isa soo dhiibaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





