Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Sacuudiga

Riyad (Halqaran.com) – Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliyo iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay ayaa lagu qabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Bisha cas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay lataliyaha koowaad, ahna sii-hayaha safaraadda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Mudane Abshir Warsame Diirshe.

Waxaa shirkan si gaar ah looga hadlay xaalada ba’an ee saamaynta abaaraha iyo sidii ay hay’adaha Bisha cas iyo Laan-qeyrta cas gacan uga gaynsan lahaayeen gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Mudane Abshir Warsame Diirshe oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay garab istaagaan dadka abaaraha iyo colaaduhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in caalamka u gurmad deg deg ah sameyn doono.

Dowladda Federaalka oo kaashanaya hay’adaha gargaarka ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo u qareemida gurmadka abaaraha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...