Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Soomaali lagu weeraray magaalada Toronto iyagoo Aasaya qof Soomaali ah

Toronto (Halqaran.com) – Muwaadin Soomaali ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay, kadib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliiska Canada ayaa sheegay in saddex ilaa afar nin oo hubaysan ay rasaas ku fureen 60 qof oo aaska kasoo qeyb galay, halkaas oo ay sheegeen inay ku dhaawacmeen labo qof oo mid kamid ah uu isbitaalka ku geeriyooday.

Booliisku waxay sheegeen inay tuhmnayaasha oo watay gaari duuga oo ah nuuca SUV ay baxsadeen. Waxay sheegeen markii ugu dambeysay in lagu arkay wadada Leslie Street.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Toronto ayaa arrintaan aad uga welwelsan, waana markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ahi ka dhaco dalkaas oo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

“Weligaa ma filanaysid wax sidan oo kale ah inay dhacaan wakhti kasta, iska daa inta lagu jiro aaska. “Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa dhammaan dadka maanta halkan joogay iyo sidoo kale bulshadeena,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Toronto.

Ugu dambeyn, booliska Toronto ayaa horey uga hadlay geerida Maxamed oo ahaa 27-jir Soomaali ah oo si fool xun loogu dilay magaalada Toronto. Booliiska ayaan cidna u soo qaban toogashadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...