Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta

Cundhufo (Halqaran.com) – Maleeshiyaad iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Canfarta ee dalka Iroobiya ayaa weerar ku qaaday dad Shacab Somaali ah oo degan Galbeedka Gobolka Siti Gaar ahaan Magaalada cundhufo iyo Nawaaxigeeda.

Dagaal xoogan oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray maleeshiyaadka Canfarta oo kamid ah qowmiyadaha Itoobiya iyo dadka degaannada ay weerareen oo hubka u qaatay inay iska difaacaan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in weerar kale uu ka dhacay Magaalada dan lahelay, waxaana dagaalada labada dhinac inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ku dhawaad 10 Ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyaadka Canfarta ay gubernatorial guryo ay deganaayeen dad Shacab ah, waxaana dagaalka ku biiray oo dadka Shacabka ah difaacayay ciidamada liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyaga oo maleesgoyaadkaas Canfarta ka saaray goobihii ay soo weerareen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...