Monday, June 22, 2026
25.2 C
Mogadishu

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) – Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Hubkan oo isugu jira gantaalo, rasaas iyo saanad kale ayay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ka soo uruurisay kaydka hubka ee dalkaasi.

Taageeradan militari oo ay ku kaceyso hal bilyan oo dollar ayaa la sheegaya inay Ukraine ka caawin doonto in ay ka hortagto duulaanka sii fidaya ee Moscow.

Tani oo noqoneyso taageeradii ugu ballaarneyd ee Washington siiso Kyiv ayaa waqtiga dhow loo daabuli doonnaa dalkaasi.

Dhanka kale Aqalka Cad ayaa taageero maaliyadeed oo dhan afar dhibic shan bilyan oo dollar ($4.5b) oo toos ah siinaya Ukraine, isagoo u sii marinaya Bankiga Adduunka.

Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Mareykanka ayaa bayaan soo saartay ku sheegtay in lacagtani loogu talagalay in ay Ukraine u adeegsato adeegyada lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan kaalmada bulshada iyo kabka dhaqaale ee dalkaasi, kaas oo wiiqmay tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dadka reer Ukraine ay wajahayaan nolol saboolnimo ah, isla-markaana ay xaalad adag la soo deristay dadka ku barakacay gudaha dalkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...