Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Diyaaradaha Itoobiya oo duqeyn culus ka geystay Gobolka Hiiraan

Hiiraan (Halqaran.com) – Diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay duqeyn dhanka cirka ah ka geysteen deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen mareegta HalQaran News.

Wararka ayaa sheegaya, in diyaaradahan ay si gaar ah duqeeyeen buurta surtaag oo ku aadan deegaanka Bacda iyo deegaannada Qabno iyo Coowmaad oo ku yaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan iyo Maxaas, halkaas ay fariisin ku leeyihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegay, inay maqlayeen dhawaqa weerarka duqeynta ah , balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeyntaas.

Deegaannada duqeynta Axadda maanta ah laga fuliyay deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa u dhow deegaanno ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Si kastaba, Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka bilowday gudaha Soomaaliya tan iyo markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanno ka tirsan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...