Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland oo geeriyooday

Kismaayo (Halqaran.com) – Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Jubbaland ,Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish ayaa la xaqiijiyey inuu Sabtidii maanta ku geeriyooday dalka Jarmalka oo uu muddooyinkii la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya, in Wasiir Maxamed Darwiish uu u geeriyooday xanuun haayay, isagoo maalmihii dambe xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayey Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo uu maanta ugu dhintay xanuunkii haayey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo ehellada Marxuum Maxamed  Warsame Darwiish ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxda Maamulka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diraya qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Maxamed Darwiish.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...