Friday, June 5, 2026
27.1 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Mareykanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay Wakiilada Beesha Caalanka ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

RW Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, sida dhaqaalaha dalka iyo Amniga, waxaana ay tababar siisaa Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB, kuwaas oo fuliya howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii la soo dhaafay waday la-tashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabistiisa Golaha Wasiirada, iyada oo magacaabistiisii xilka Ra’iisul Wasaaha laga joogo muddo bil iyo laba Maalmood ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...