Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Somaliya oo gurmad gargaar ah geysay degmada Buulo-burde ee G/ Hiiraan

Buula-burde (Halqaran.com) – Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Khamiistii maanta gargaar ah raashin ah gaarsiisay magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Diyaarad sida gargaarkaan ayaa saakay ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayada oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay, wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir iyo xildhibaan Cabdinaasir Shirwac.

Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarkaan loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka hiiraan.

Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan oo ay kusoo barakaceen Boqolaal kamid ah dadka ay saameeysay Abaarts ayaa waxaa horay u tegay Ergayga gaarka ah ee  Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo sheegay in xaalado nolol xumo ay kajirto degmadaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...